Waxa manta la qabtay bandhig dietic food oo ay qabteen ardayda nutrition ee faculty of Health science

Waxa manta   la qabtay bandhig dietic food oo ay qabteen ardayda nutrition ee faculty of Health science ka oo ay ku soo bandhigeen sida loo la tacaalo dadka chronic disease  ka qabo sida loo sixi lahaa cuntada ay qaadanaayaan iyadoo la eegaay hadba cuntada nuuca nutrition ka ee ku jira iyo cudurkaas waxa uu u baahanyahay.  

Bandhigaan oo ahaay Qeybta labaad EE final year project ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka  kala socda Dawlada iyo Shacabka soomaaliyeed,

Mar uu ka hadlaay Gudoomiyaha jaamacada ayaa wuxuu ku nuux nuuxsiday ahmiyada ay u leedaha kuliyadaan nutrition ka bulshada somaliyeed taas oo keentay in ay aasaasan kuliyadaan baahi jirta awgeed, asagoona sheegay in ay ku dadaalaan in aysan keenin kuliyad .aanay lahayn lab (practical ) iyo macalimiin tayo u leh.

Waxa halkaas asna ka hadlay Dean ka kuliyada Health Science ka oo ka sheekeeyay taarikhda kuliyada la aasaasay oo ah 2013 dufcadii sedexaadna ay hada ka qalin jabinayso iyada oo ay hada dhiganaayaan 3 batch.

Waxaa asna xaflada ka hadlay Gudoomiye ku Xigeen caafimaadka gobolka banaadir oo ardayda ku boogaadiyay in ay la yimaadaan hal abuur nafaqo dalaga wadankeena kaso baxay laga sameeyay iyo in ay sameeyaan assessment dagmooyinka caasimada si ay uga ogaadaan malnutrition ka jira dalka.  

Gudoomiya haweenka Gobolka banaadir Marwo Jawaahir Baarqab oo ayna ka hadashay bandhiga ayaa jaamacada uga mahadcelisay dadaalka ay uga jirto soo saarida arday tayo leh iyadoo aad u amaantay Macaliminta waxbarashada oo mar walba uga jiro dadaal markii dowlada dhexe burburtay ilaa hada ayna ka qaateen dadaal xoog leh in ay soomaali dhismato.

Mid ka mida macaliminta kuliyada ayaa mar ay ka hadlaysay dhibaatooyinka bukaanka ka qabsado ispitaaldka oo ayna hayasan lataliyaal dhinaca Nurition ka kuwaas oo bukaanka talo siiyo sida ay cuntada u hagaajin lahaayeen, loona baahanyhay in cunto isku dheelin tiran la qaato dadka jiran iyo kuwa caafimaadkaba qabo. Ardayda kuliyada nutrition ka ayaa waxay soo bandhigay cuntooyin kala duwan, shaxda  quraac , qado iyo casho oo lacuna dadaka qabo cudurada kala duwan taas oo aad u dhedhen wacnayd oo aan nafaqo fiican lahayd. Kuwaas oo isugu jiro baamiye, barbaroon suugo fiian laga sameeyey,

Gudoomiyaha Jaamacada Capital oo xaflada uga hadlayay horumarka ay jaamacada ku talaabsatay

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *